Advertisements
Advertisements

WARBIXIN: Dowladda Federaalka Ah Oo Lagu Leeyahay 8 Bil Oo Mushaar Ah

\

Shaqaalaha Dowladda federaalka ah, Ciidan iyo rayidba waxaa ay dowladda federaalka ah ku leeyihiin mushaar 8 bil ah, sidaasi waxaa lagu ogaaday baaritaan la sameysay .

Ciidamada Militariga iyo Booliiska waxaa ay sheegeen in 3 bil aaney qaadan mushaar, Macalimiinta Jaamacadda umadda oo shaqo-joojin sameeyay  todobaadkan waxaa ay ku doodeen  in 5 bil aaney arag mushaar!

Mid ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka ah waxay sheegtay in sanadkii hore oo ay shaqaale ka aheyd mid ka mid ah wasaaradaha dowladda,   iyada oo dowladda ku tabeysa mushaar 6 bil ah, hadda oo ay Xildhibaan federaalka ah tahayna 2 bil, isku dar lacagta ka maqan 8daas bil, waxaa ay ku sheegtay 10 Kun oo Dollar.

Xildhibaan kale oo golaha shacabka ka tirsan waxaa uu isna sheegayaa in hadda 2 bil aaney qaadan mushaar, sidoo kale uu dowladda ka sugayo mushaarka 6 bil oo sanadkii hore ah, Xildhibaankan waxaa uu ku jiraa weli baarlamaankan 10aad laakin waxaa jira Xildhibaanno aan soo noqon balse ka tirsanaa baarlamaankii 9aad, kuwaas oo iyaguna sheegay in dowladda weli ka heysato mushaarka 6 bil.

Iska daa ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah, dowladda federaalka ah waxaa ay u baahan-tahay 6 Milyan oo Dollar si ay u bixiso mushaarka 275 Xildhibaan oo dowladda ku leh mushaarka 8 bil.

Waxaa xusid mudan in shaqaalaha cusub ee dowladda federaalka ah qaadatay wixii ka dambeeyay doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo aaney weli aysan qaadan wax mushaar ah, qaarkood waxaa ay sheegeen in aaney jirin rajo ka sokeysa Janaayo 2018-ka.

Sida muuqata dowladda federaalka ah waxaa ku adkaaday bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka iyo ciidanka labadii bil ee la soo dhaafay, Waxaa kale oo xaqiiq ah in odoros qaldan lagu meel-mariyay Miisaaniyadda 2017-ka.

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga adduunka labadaba waxaa ay qoraal ku sheegeen  in dowladda federaalka ah ay ku dhib-qabto deymaha gudaha, hey’adahan waxaa kale oo ay ka digeen in aaney isla socon lacagaha ay dowladda filaneyso ee miisaaniyadda ku jira iyo xaqiiqda dhulka taalla.

Iyada oo ay taasi jirto ayuu ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre 8-dii bishan ballan-qaaday in December 31-keeda wixii ka horeeya ay xukuumaddiisa bixin-doonto dhammaan mushaaraadka lagu leeyahay dowladda.

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka hadlayey xaflad lagu taakuleyney ciidanka xogga dalka ayaa yidhi “Waxaan idiin ballan qaadnay in aan ka shaqeyn-doono dowlad wanaagga oo qof waliba oo dowladda u shaqeeya mushaar la siin doono..Waxan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed aan u sheego meel walba oo ay joogaan in sanadkaan 2017, uu ahaan doono sanad  qof walba oo dowladda Soomaaliya u shaqeeya ha ahaado ciidan iyo shacab  ama qarash dowladda lagu leeyahay oo ay heshay 2017, inuu noqon doono sanad mushaar walba la bixiyey,  qarash walbana la bixiyey, dowladda Soomaaliyana aan wax deyn ah la-gelinin”.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa shacabka u sheegay in iska daa mushaare uu xitaa bixin-doono lacagta ay xafiisyada dowladda ku shaqeeyaan “Sanadka 2017 bisha December 31 haddii uu ilaahey idmo waxaan ku soo dhameystiri doonaa halkaana waan ka sheegayaa,  haddii aad dowladda aad u shaqeyso,  inaad mushaarkaagii heshay Janaayo –December. Haddii aad ka shaqeyso xafiis dowladeedna aad heli-doonto lacagta xafiiskaada u ku socdo, oo aad xaqa u leedahay, waxaan ku darayaa in maamulka ani iyo madaxweyne Farmaajo aan mas’uulka ka nahnay in aanu 2017 in aan qarash deyn ah uusan dalka Soomaaliya u keeni doonin”.

Hadaba, Dowladda federaalka ah ma bixin kartaa qarashkan iyo mushaaraadka intan la eg, waxaan arrinkaasi su’aal ka weydiiney Dhaqaale-yahan Bashiir Cabdi Xabeeb isaga oo ku jawaabay“Dowladda dakhligeeda oo iska yar, dakhliga gudaha, nidaamka canshuuraha oo system fiican u shaqeyn, tusaale ahaan canshuurihii berriga oo aan dalka si fiican ugu howl-gelin iyo dowladda aan jirin dakhli kale oo gudaha ka soo gala awgeed, waa adkaaneysaa in dowladda jeebkeeda wax ka bixiso”.

Dhaqaale-yahan Bashiir waxaa uu qabaa in dhammaan qarashka aan la wada bixin karin“Waxaa la dhihi karaa dowladda waa bixin kartaa xilligan ay dowladdan cusub joogto wixii ka maqnaa shaqaalaha, laakin aad ayey u adkaaneysaa dhammaan wixii shaqaalaha ka maqanaa, shaqaalaha waxaa la sheegaa in ay ku dhaw yihiin 10 kun, shaqaalaha ugu yar haddii aad wareysato waxaa ka maqan 5 bil iyo 6 bil, haddii shaqaalaha grade A yahay ama B waxaa isku dar midkiiba ka maqan 4000 wax ka badan, marka 10 kun oo shaqaalaha, qarashkaasi waa mid badan”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu horay ugu cel-celiyay in xooggiisa isugu geyn-doono bixin mushaaraadka guud ahaan, gaar ahaan Mushaarka ciidanka tiiyoo lagu guul-dareystay bilihii ugu dambeysay.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Zoobe-1-1-1 DAAWO SAWIRADDA: Maxaadan ogeyn oo hada ka socda Isgoyka Soobe ee Magaalada Muqdisho?
- Oct 21, 2017
Waxaa dib u soo laabtay dhaqdhaqaaqa isu socodka dadka iyo gaadiidka Isgoyska Zoobe ee ...
help-7 Sawirro Cajiib ah – Nin laf-dhabartu wiiqmatay oo lagu guuleystay in dib loogu toosiyo.
- Oct 21, 2017
Kadib kasoo saarista xidid geed, Mun wuxuu muddo saddex bilood ah ku jiray xanuun ...
Siilaanyo-iyo-1132x670 DAAWO SAWIRADA:-iilaanyo iyo Cali Khaliif oo ku heshiiyey in Khaatumo lagu daro Somaliland
- Oct 21, 2017
Madaxweynayaasha  Somaliland iyo Khaatumo State Axmed Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galeyr ayaa kala saxiixday ...
madaxweyne-farmaajo--620x330 AKHRISO: Qoraal degdeg oo Madaxweyne Farmaajo u diray Guddoonka Labada Aqal ee BF
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal u kala diray guddoonada labada aqal ee ...
deg deg DHAGEYSO: Guddoomiye C/xaashi oo si kulul uga hadlay khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada
- Oct 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee ...
Zoobe-1-1 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo xubno kale ayaa maanta booqday Isgoyska Zoobe oo Sabtidii uu ka dhacay Qarax lagu dhammaaday, halkaasi oo ay kula hadleen warbaahinta. Thaabit Cabdi Maxamed ayaa marka hore Veronique Lorenzo uga mahadceliyay booqashada ay ku timid Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen 14-kii October boqolaal dad ah. Wuxuu sheegay Isgoyska Zoobe in laga qabtay shaqo wanaagsan qaraxa kadib hadii ay noqon laheyd badbaadin, nadiifin, dadka in niyada loo dhiso iyo dayactir maanta lagu bilaabay wadada gaar haan goobtii uu Qaraxa ka dhacay, waxaana lagu bilaabay saarida laami cusub. Guddoomiye Thaabit ayaa Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen, iyo sida ay uga dhiidhyeen dadkii masaakiinta ahaa ee la laayay. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay u taagan yihiin waajibka saaran oo ay ka mid yihiin midnimada ummadda Soomaaliyeed, midnimada dhalinyarada iyo in meel looga soo wada jeesto Shabaab. Sidoo kale Thaabit ayaa sheegay in shaqada la xiriirta dib u dayactirka wadadan ay ku soo gaba gabeyn doonaan maalmo koooban, maadaama aad loo isticmaalo, isaga oo sidoo kale tilmaamay Isgoyska Zoobe wixii hada ka dambeeyana loogu yeeri doono 14-ka October, loona sameyn doono calaamado lagu soo xusuusto. Veronique Lorenzo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo iyadana halkaasi ka jeedisay hadal kooban ayaa sheegtay marka hore in halkan ay u timid in muragada ay la qeyb sato dadkii Soomaaliyeed ee lagu qarxiyayIsgoyska Zoobe. Waxay kaloo sheegtay in Midowga Yurub uu mudo badan soo garab taagnaa Soomaaliya hadana uu sii wadi doono, taas bedelkeeda waxay tilmaamtay Midowga Yurub in uu bixin doono qalab caafimaad, dawooyin iyo 100 kun oo EURO oo uu uga qeyb qadanayo gurmadka socda.
- Oct 19, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed ...
Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: Xiisada udhaxeysa DFS & Galmudug oo meel xun gaartay & Go’aan kale oo soo baxay
- Oct 19, 2017
Maamulka Galmudug ayaa soo saaray qoraal uu eedeyn kulu ugu jeeday dowladda federaalka Soomaaliya, ...
dhaawac Wararkii Ugu Dambeeyay ee dhaawacyadii la geeyay Sudan & Isbitaalkii la geeyay oo…
- Oct 19, 2017
Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dhaawacyadii ugu horeeyay ee Dowladda Qatar ka qaaday ...
taabit Guddoomiyaha G/Banaadir oo magac cusub u bixyay Isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho [Dhageyso]
- Oct 19, 2017
Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa qaatay go’aan uu magaca uga bedelayo Isgoyska KM ...
QARAX-5-640x360 Tirada Shaqaalaha DFS uga dhimatay & kuwa uga dhaawacmay Weerarkii Zoobe oo lasoo bandhigay
- Oct 18, 2017
Kulan ay isugu yimaadeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay tirada ...
DEG DEG: Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Geeriyoodey
- Oct 18, 2017
Allaha u naxariistee waxaa dalka India saakay oo Arbaco ah ku geeriyoodey xildhibaan Bootaan ...