Advertisements
Advertisements

Wararkii Ugu Dambeeyay ee dhaawacyadii la geeyay Sudan & Isbitaalkii la geeyay oo…

\

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dhaawacyadii ugu horeeyay ee Dowladda Qatar ka qaaday Magaalada Muqdisho, ayna gaysay Magaalada Khartoum ee Xarunta Sudan, si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

Dhaawacyadan, ayaa Talaadadii Magaalada Muqdisho looga qaaday diyaarad ay leedahay Qatar, iyadoona ay Qatar xilligaa sheegtay in dadkaasi daryeel caafimaad loogu fidin doono Magaalada Khartoum.

Dadkan oo qaarkood qaba dhaawacyo culus, ayaa waxay Magaalada Khartoum soo gaareen gelinkii dambe ee Talaadadii, iyadoo ay diyaarad militari ka dejisay garoon ay leeyihiin Ciidamada Sudan.

Caqabadda 1aad waxay soo wajahday, ka dib markii diblomaasiyiinta Somaliyeed ee ka hawlgala Safaaradda Somalida ee Magaalada Khartoum laga horjoogsaday inay gudaha u galaan garoonkaasi. Caqabadda 2aad waxay dadkani ku timid, markii la geeyay isbitaal aan ahayn midkii la fillaayay in lagu daryeeli doono.

Asad Cabdi Mukhtaar oo ka mid ah ardayda Somaliyeed ee wax ka barata Caasimadda Khartoum, ayaa sheegay in isbitaalka hadda dhaawacyada la dhigay aanu lahayn adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Asad Cabdi oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal, ayaa tilmaamay in ardayda Somaliyeed ay dhexda u xirteen, sidii ay gacan ugu fidin lahaayen dhibane-yaasha, maadaama aanay weli helin daryeelkii ay u baahnaayen.

Dhanka kale waxaa caawa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah bukaanada laga saaray isbitaalkii ay xalay ku hoydeen, iyadoona loo kala qaybiyay isbitaalada Khartoum ku yaala qaarkood.

Gelinkii dambe ee maanta, ayaa waxaa Magaalada Khartoum gaartay diyaarad kale oo 59 bukaan ka soo qaaday Magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah bukaanada, ayaa la sheegay in uu geeriyooday, ka hor intii aanay diyaaraddu soo gaarin Khartoum.

Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) uu Khamiista berrito taggi doono Magaalada Khartoum

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Guddoonka-Baarlamaanka-681x365 Nuxurka Warbixinta Guddiga gaarka ah ee baarlamaanku u saareen dhiibista Qalbi Dhagax..
- Nov 18, 2017
Guddiga Baarlaamaniga ah ee loo xilsaaray baarista kiiska Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax)  ...
lacag Deymaha $5 billion Ee Soomaaliya, Halkee Ka Yimaadeen, Yaase Ku Leh?
- Nov 18, 2017
Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay la tacaaleysaa hirgelinta barnaamijka NFD, kaas oo ...
deg deg DEG DEG: Guddigii Baarista kiiska Qalbi Dhagax oo Khalad ku Tilmaamay in Itoobiya loo dhiibay…
- Nov 18, 2017
Guddigii loo xil saaray Baaritaanka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo maanta Baarlamaanka ...
Guddoonka-Baarlamaanka-681x365 DEG DEG: Kulankii Baarlamaanka ee Warbixinta Qalbi-Dhagax oo furmay iyo Qoraal la qeybiyay…
- Nov 18, 2017
Waxaa goor dhow xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka furmay kulan gebi ...
degdeg DEG DEG DAAWO: Militeriga DFS Oo Isdiyaariyay & Muuqaalka Ciidamada Xooga dalka oo…
- Nov 18, 2017
Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa diyaar garowgii ugu xooganaa ugu jira dagaal ka dhan ...
marey Xisbiyadda Mareykanka oo Bil ka dib War lama filaan ah ka soo saaray Qaraxii Soobe..
- Nov 18, 2017
Ilaa 6 Mudane oo ka tirsan Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee dalkaasi ayaa si ...
beylee XASAASI:-Wasiir Beyle oo maalmaha soo socda Iscasilaya & Shaqsi lama filaan ah oo lagu bedelayo…
- Nov 18, 2017
Warar hoose ay warbaahuinta ogaatay ayaa sheegaya in wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale ...
qalbi-dhagax-3-625x420 Go’aanka Maanta Laga Filayo Guddiga Xaqiiqo-raadinta Ee Qalbi-dhagax…
- Nov 18, 2017
Sida ay  sheegeen qaar ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka waxaa maanta la filayaa guddigii ...
som-624x312 Wadahadal u Bilowday Xisbiga Wadani Iyo Guddiga Doorashooyinka Ee Somaliland…
- Nov 18, 2017
Iyadoo Xisbiga Wadani uu ku dhawaaqay inuu joojiyay Wada-shaqeyntii uu la lahaa Guddiga Doorashooyinka ...
Craxmaan-cirro DHAGEYSO: Cabdiraxmaan Ciro oo baaq u diray Shacabka Somaliland…
- Nov 18, 2017
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ahna Musharax Madaxweyne ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Ciro ayaa ...
qalbi-dhagax-3-625x420 Warbixin la xiriirta kiiska Qalbi Dhagax oo maanta la horgeynayo BF…
- Nov 18, 2017
Guddigii loo xil saaray kiiska Sarkaalka lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa ...