Advertisements
Advertisements

Sterling oo guuldaro ka bad baadiyay Man City cayaar ay Everton isku ag dhaceen waxaana labada koox casaan laga siiyay min hal cayaaryahan

\

Raheem Sterling oo badal kusoo galay qaybta labaad ee kulankaan ayaa kooxda Man City guuldaro ka bad baadiyay cayaar 1-1 kusoo idlaadatay.

Everton goolka ay la timid waxaana u dhaliyay Wayne Rooney qaybtii hore waxaana xusid mudan in labadaan naadi min 1-cayaaryahan casaan laga siiyay

Man City qaybtii hore ee cayaarta waxay ku dhameesteen ayagoo 10-cayaaryahan ah sidoo kalena gool lagu leeyahay waxaana garoonka casaan looga saaray Kayle Walker.

City kulankaan qaybaha hore dar ayay kusoo galeen waxayna heesteen inta badan kubada halka kooxda Everton qaab difaac ku jireen.

David Silva ayaa ku dhawaaday inuu cayaarta City hogaanka u dhiibo daqiiqadii 34-aad balse nasiib daro laadkii uu gamay qoriga goosha ayuu ku dhacay.

Wayne Rooney ayaa gool ku daah furay kulankaan daqiiqadii 35-aad kadib markii uu lugta bidix kusoo wareejiyay kubad uu caawinaad ka geestay D. Calvert-Lewin.

Rooney wuxuu noqday cayaaryahanka labaad ee taariikhda Premier League 200-gool ka dhaliyo waxaan darajadaas kaga horeeyay Alan Shearer oo EPL ka dhaliyay 260-gool.

Kayle Walker ayaa garoonka casaan looga saaray kadib markii uu calaamada jaalaha labaad ku qaatay madaama uu xusul ku dhuftay wiilka dhalinta yar D. Calvert-Lewin daqiiqadii 44-aad

Qaybta hore ee cayaarta ayaa 1-0 kusoo idlaatay oo ay ku hogaamineyso kooxda Everton.

Tababare Guardiola ayaa qaybta labaad cayaarta shaxdiisa wax ka badalay wuxuuna gudaha kusoo badalay Gabriel Jesus  asigoo keenay Raheem Sterling.

Raheem Sterling halis weyn ayuu la yimid asigoo garabka midig qabsaday sidoo kalena cubka ku celiyay daafacyada kooxda Everton waxayna City qaybta labaad muujisay inaan loo maleynin koox 10-cayaaryahan ku cayaareyso.

Saxiixa ugu qaalisan taariikhda Everton Gylfi Sigurdsson ayaa la keenay daqiiqadii 61-aad si uu kooxdiisa kubada ugu celiyo balse midaas waxba kama dalin culeeska Everton saarnaa.

Danilo ayaa la keenay wuxuuna macalin Pep badalay Stones daqiiqadii 65-aad sidoo kalena waxaa soo galay kulankaan Bernard Silva oo badalay Sane daqiiqadii 69-aad.

Danilo iyo Sterling ayaa ku dhawaadeen kulankaan inay Man City goolkan kasoo gudaan balse goolhaye Pickford ayay kubada dhaafsiin waayeen.

Ugu dambeyntii Sterling ayaa cayarata 1-1 ka dhigay daqiiqadii 84-aad wuxuuna xidigan goosha Everton la helay laad xoogan asigoo kaga mahad celiyay Holgate oo goosha horteeda madax qadlan soo dhigtay.

Everton culeeska ayaa ka batay waxaana garoonka laga saaray Morgan Schneiderlin oo casaan qaatay kadib markii jaalihii labaad loo taagay daqiiqadii 88-aad wuxuuna qalad cad ku galay Aguero.

Kulankaan waxaa lagu daray 4-daqiiqo ayagoo labada naadi min 10-cayaaryahan ah balse Everton daafacooda ayay xajisteen duulaan walbo oo lagu soo qaaday waxayna cayaarta kusoo idlaatay 1-1.

Dhibicda ay kala qaateen labadaan naadi ayaa ka dhigan in haatan min 4-dhibcood leeyihiin sidoo kalena kulankii adkaa ee Etihad ka dhacay waxba waa la iska qaadi waayay.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: MD Xaaf oo xambaarsan Qorshe Cajiib ah oo socdaal ku maraya deegaanada Mudug & Galgaduud…
- Dec 15, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf,madaxweynaha maamulka Galmudug oo maalmihii u danbeeyay socdaal ku marayay deegaano ...
itoobiya DAAWO: Itoobiya oo si rasmi ah u shaacisay saamiga ay ku leedahay Dekadda Ber bera & Waqtiga uu fulayo…
- Dec 15, 2017
Wasiirka Dowladda Federaalka u Itoobiya u qaabilsan dhinaca Gaadiidka mudane Axmed shire ayaa ka ...
qarax DEG DEG:-Qarax Xoogan oo ka dhacay muqdisho iyo faahfaahin laga helayo ruuxa is qarxiyay
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...
xilibaa Xildhibaan kashifay Xaaladda Mooshinka Madaxweynaha “3 Maalin ka hor ayaan saxiixay, waana…”
- Dec 14, 2017
Mid ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga ...
Xaash Guddoomiyaha Aqalka Sare oo weerar kulul ku qaaday Shir uu qabanqaabinayo Guddoomiye Jawaari (AKhriso)
- Dec 14, 2017
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay, isla markaana dalbaday ...
3-4-2 DEG DEG+SAWIRRO: Golaha Shacabka oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowlada 2018…
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ...
muuse-Biixi-681x454 Madaxweyne Muuse Biixi oo la Dhaariyay & Khudbad Xasaasi ah uu jeediyay…
- Dec 13, 2017
Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Qudbad ka jeediyay Xaflad lagu ...
fiqiii DHAGEYSO: Xildhibaan Fiqi oo dhaliilay Hanaanka maamulka Madaxweyne Farmaajo
- Dec 13, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa dhaliilay Hanaanka  ...
news Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmaya Turkiga iyadoo Xiisada Qudus…
- Dec 13, 2017
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee ...
xilibaa Xildhibaanada BF oo cod u qaadaya Miisaaniyadda Dowladda 2018
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa ...
Muuse1-1132x670 Muuse Biixi oo la Caleema Saarayo yaase ka qeyb galaya…
- Dec 13, 2017
Munaasabadda dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ...