Advertisements
Advertisements

Shabaab oo Saaka Weerarkii ugu xooganaa ku qaaday Saldhig ay Militeriga DFS ku sugnaayeen

\

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan meel ku dhaw Degmada Balcad, ayaa waxa ay sheegayaan dagaalyahano ka tirsan Shabaab inay saaka weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka ku sugnaayeen.

Saldhigan la weeraray ayaa wuxuu ku yaala wadada xiriirisa Balcad iyo Degmada Afgooye, gaar ahaan wadada loo yaqaan Basra, dhanka Xigta Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana weerarka uu ahaa mid gaadmo ah oo Shabaab ay la eegteen ciidanka.

Xoogaga Shabaab oo isa soo abaabulay ayaa Saldhigan weerarka qorsheysan la eegtay, waxayna halkaasi ku dileen ciidan ka tirsan Militariga Dowladda Federalka Somaliya.

Shabaabka ayaa sheegtay inay dileen 6 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Somaliya, sidoo kalena waxa ay sheegteen inay furteen hub ciidankaasi ay lahaayeen.

War laga sii daayay Idaacada ku hadasha afka Shabaab ee Andalus, ayaa lagu sheegay Ciidamada Shabaab inay la wareegeen gacan ku haynta Saldhiga, halkaasina ay ka qaateen Lix qori oo mid ka mid ah uu yahay qoriga loo yaqaan BKM.

Saldhigan ciidamada Militariga lagu weeraray oo ku yaallo halka kala qaybisa Gobolada Shabellaha Hoose iy Shabellaha Dhexe, gaar ahaan meesha loo yaqaan Kala wareega, ayaa waxaa ku sugnaa ciidan aanan sidaasi u badneyn oo Militariga ka tirsanaa, kuwaasi oo markii dagaalka uu bilowday intoodii badneyd meesha isaga cararay.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay kordhiyeen weerarada ay la eeganayaan Saldhigyada Ciidamada Militariga ay ku leeyihiin Gobolada dalka Somaliya.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Bakaaro Warar ku saabsan Ganacsiga Suuqa Bakaaraha
- Feb 21, 2018
Wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay sheegeen in saakay dib loo ...
Mareykan-640x360 Mareykanka oo war ka soo saaray in Askari looga dilay Soomaaliya
- Feb 21, 2018
Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxa ay beeniyeen in Askari Mareykan ah looga ...
ciidamada-puntland Puntland oo sheegtay in ay dishay Dagaalyahano Shabaab ah
- Feb 21, 2018
Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa Howlgal gaar ah 20-kii bishan waxa ay ka fuliyeen ...
Khayre-1 Khayre oo magacaabay Madaxa isku xirka Deeqaha
- Feb 21, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa ...
dil london Soomaali lagu dilay London
- Feb 21, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba wiil oo Soomaali ah oo xalay ...
galmudug Galmudug oo shaacisay waqtiga ay Shabaab ka saareyso degaanadeeda
- Feb 21, 2018
Maamulka Galmudug ayaa balan qaaday degaanadiisa qeybaha ay kaga harsan yihiin ururka Al-shabaab inuu ...
Duqeyn Duqaymo lagu dilay 250 qof oo Suuriya ka dhacay
- Feb 21, 2018
Tirada dhimashada ee duqaynta Suuriya ee magaalada Ghouta ayaa la sheegayaa inay gaartay 250 ...
Duqeyn Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacday Jubbaland
- Feb 20, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo saakay aroortii abaare 05:00 ...
Shabaa Shabaab oo sheegtay in ay dileen Askari Mareykan ah
- Feb 20, 2018
Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen Askari Mareykan ahaa, kadib ...
xukun Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday sarkaalkii ka danbeeyay dilkii Siciid Mariine.
- Feb 20, 2018
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa goordhow waxa ay xukun ku riday Sarkaalkii ...
Farmaajo-640x427 Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Nabadoon Axmed Diiriye
- Feb 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsidayeeyay Geeridii ku timid Allaha u ...