Advertisements
Advertisements

SAWIRRO: Xog ku saabsan Sharciga Cusub ee Isgaarsiinta (Furaha 252, Amniga & Ganacsatada)

\

Wuxuu ahaa sharcigii ugu mudada dheeraa inta la ogyahay shuruucda la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, wax ka badan 10 sanno ayuu baarlamaanka horyaalay, shalay ayaana kama dambeys uu saxiixay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabaddii uu sharciga ku saxiixayay madaxweyne Farmaajo ayaa hadal uu ka jeediyay waxa uu ku qirey hawsha adag ee laga maray sharcigan isgaarsiinta, wuxuuna yiri “Wax sahlan ma ahayn, anaa idiin sheegaaya, dadka waxay arkaan in aan saxiixayno, laakiin waxaan soo galinay, shaqo aad iyo aad u faro badan”.

Waxaan halkaan lagu soo koobayaa nuxurka sharcigan uu xambaarsanyahay.

Nuxurka Sharciga oo kooban

Sharciga waxa uu ka koobanyahay 11 qeybood oo waaweyn iyo illaa 70 qodob oo ka kooban 35 bog oo qoraal ah, wuxuuna si guud ahaaneed uga hadlaya isgaarsiinta noocyadeed kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo isgaarsiinta ciidamadda.

Ma ahan mid aad u faahfaahsan, hoosna uma sii galayo arrinta ku saabsan canshuuraha iyo qidmooyinka laga qaadayo shirkadaha isgaarsiinta. Jaangoynta canshuurta waxa uu sharciga u xilsaarayaa hay’adda isgaarsiinta qaranka oo la tashanaysa wasaaradda maaliyadda.

Isgaarsiinta waxa ay ka mid tahay meelaha canshuuraha ugu badan ay uga soo xaroon karaan dowladda, taas oo ka imanaysa taleefoonada malaayiinka ah ee maalin kasta la’isu, ruqsadaha shirkaddaha ay ku hawlagaan, lacagaha badan ee taleefoonada la’isugu diro iyo qidmadda hirarka iyo moowjadaha.

Dakhliga kasoo xarooda isgaarsiinta noocyadeeda kala duwan ayaa waxaa lagu shubayaa qasnadda bangiga dhexe sida uu farayo sharciga maaliyadda Soomaaliya.

Sharciga waxa uu meesha ka saarayaa dhammaan sharciyadii kale ee uu dalka lahaa, gaar ahaan kii dowladdii dhexe ee jirtay ka hor 1991-dii, xiligaas oo aysan dalka ka jirin isgaarsiin gaar loo leeyahay, sharcigii jireyna uu ka hadlayay isgaarsiin ay dowladda leedahay.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Sharciga waxa uu jiddaynayaa dhismaha hay’adda isgaasriinta qaranka oo ah mid madax banaan, yeelan doonta miisaaniyad u gaar ah, kana kooban haykal maamul oo kala sareeya, shaqaale u gaar ah, iyo waliba shaqooyin loo xilsaaray oo ay ka tahay dajinta miisaaniyadeeda, qorista shaqaalaha, bixinta ruqsadaha, iyo la socodka in uu sharcigan fulo.

 

Qodobada inta badan sharciga waxa ay quseeyaan hay’addan awoodda badan, waxaana qodobada sharciga ka mid ah qaab dhismeedka haykalka maamul oo uu ugu awood badanyahay guddiga maamulka oo ka koobnaan doona 9 xubnood.

2 xubnood wax aka imanayaan wasaaradda, 3 kale waxa ay ka imanayaan shirkadaha isgaarsiinta ama xirfadlayaasha, ururada bulshada rayidka iyo ururka qareenada waxaa ka imanaya mid hal xubnood, iyo sidoo kale maareyaha iyo ku xigeenkiisa.

Golahan waa kuwa leh go’aanka kama dambeysta ah ee hay’adda isgaarsiinta qaranka, haddii ay noqon lahayd inta ay la’egtahay canshuurta ay bixinayaan shirkadaha isgaarsiinta, waliba sida laga yeelayo hantida kale ee isgaarsiinta dowladda ee guurta ama ma guurtada ah sida furaha dalka ee 252 iyo barta internetka ee (.So).

Maadaamaa ay tahay mid ka mid ah hay’adda ugu waaweyn ee daqli soo xaraynta, sharciga waxa uu shaqaalaha hay’addan u ogolaanayaa gunno ka dheeraad ah mushaaraadkooda oo lagu jaangooyay hadba daqliga ay soo xareeyaan.

Amniga iyo Isgaarsiinta

Sharciga waxaa banaanka ka ah isgaarsiinta ciidamadda oo lagu maamuli doono xeerar kale oo uu ka midyahay kan amniga.

Hase yeeshee sharciga waxa uu jiddeynayaa sida ku cad qodobka 66aad, in shirkadaha isgaarsiinta ay bixiyaan xogta la xiriirta qof isticmaala adeeggooda isgaarsiineed haddii ay soo dalbadaan laamaha ammaanka, balse ay tahay in maxkamad ay soo amartay baaritaankaas, waxaana shirkadaha laga mamnuucay in ay cid kale u sheegaan in ay xogtaas bixiyeen.

Isla qodobkaas ayaa faraya shirkadaha in ay illaaliyaan sirta xogta shaqsiga ee laga dalbaday.

Waxa uu sharciga waajibanayaa in shirkadaha ay diiwaangaliyaan nambarada taleefoonada ay horey u bixiyeen, iyo kuwa hadda kadib ay diiwaangalin doonaan, iyada oo qofka la weeydiinayo waraaqihiisa aqoonsiga.

Shirkadaha iyo sharciga

Sharciga waxa uu sheegayaa in uu illaalinayo xuquuqda shirkadaha, waxaa hay’adda isgaarsiinta uu farayaa sharcigan in ay illaaliso xogta ganacsi ee shirkadaha ay ka uruurisay.

Qeybta 5aad ee sharciga ayaa waxaa looga hadlayaa wada tashi lala yeesho shirkadaha isgaarsiinta si loo yeesho iskaashi iyo wadashaqayn dhab ah. Waxa uu sharciga cuskanayaa kan maalgashiga oo xuquuqo badan siinaya shirkadaha.

Waxaase shirkadaha uu sharciga ku qasbayaa isku-xirka adeegga Isgaarsiinta telefoonnada oo loo arkay dan guud, lagama maarmaana tahay in la isu furo khadadka shirkadaha kale duwan ee ka ganacsada adeegga telefoonnada” si loogu sahlo bulshada in ay isticmaalaan hal laf (SIM Card), oo ay kula xiriiri karaan dhammaan shirkadaha kale ee ka hawl-gala dalka” sida ku xusan qodobka Qodobka 50aad.

Qodob kale ayuu sharciga shirkadaha ku siinayaa xuquuqda in ay ku qodi karaan ama isticmaali karaan meel kasta oo dalka gudihiisa ka mid ah oo ay xarko marsanayaan, xitaa haddii uu yahay dhul si gaar ah loo leeyahay, waxaase shirkadaha waajib ku ah in ay burburka ay geystaan magdhow ka bixiyaan ama hagaajiyaan hawsha kadib.

Shirkadaha ayaa qoda laamiyada iyo waddooyinka si ay u galiyaan xarkaha taleefoonada.

Sida ku cad qodobka 2aad, sharciga waxa uu aqoonsanayaa dhammaan heshiisyadii ka horeeray xeerkan ee ay galeen shirkadaha isgaarsiinta dalka, balse waafaqsan shuruucda dalka, waxaana halkan soo gali kara heshiisyada lala galay shirkadaha isgaarsiinta shisheeye.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Zoobe-1-1-1 DAAWO SAWIRADDA: Maxaadan ogeyn oo hada ka socda Isgoyka Soobe ee Magaalada Muqdisho?
- Oct 21, 2017
Waxaa dib u soo laabtay dhaqdhaqaaqa isu socodka dadka iyo gaadiidka Isgoyska Zoobe ee ...
help-7 Sawirro Cajiib ah – Nin laf-dhabartu wiiqmatay oo lagu guuleystay in dib loogu toosiyo.
- Oct 21, 2017
Kadib kasoo saarista xidid geed, Mun wuxuu muddo saddex bilood ah ku jiray xanuun ...
Siilaanyo-iyo-1132x670 DAAWO SAWIRADA:-iilaanyo iyo Cali Khaliif oo ku heshiiyey in Khaatumo lagu daro Somaliland
- Oct 21, 2017
Madaxweynayaasha  Somaliland iyo Khaatumo State Axmed Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galeyr ayaa kala saxiixday ...
madaxweyne-farmaajo--620x330 AKHRISO: Qoraal degdeg oo Madaxweyne Farmaajo u diray Guddoonka Labada Aqal ee BF
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal u kala diray guddoonada labada aqal ee ...
deg deg DHAGEYSO: Guddoomiye C/xaashi oo si kulul uga hadlay khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada
- Oct 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee ...
Zoobe-1-1 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo xubno kale ayaa maanta booqday Isgoyska Zoobe oo Sabtidii uu ka dhacay Qarax lagu dhammaaday, halkaasi oo ay kula hadleen warbaahinta. Thaabit Cabdi Maxamed ayaa marka hore Veronique Lorenzo uga mahadceliyay booqashada ay ku timid Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen 14-kii October boqolaal dad ah. Wuxuu sheegay Isgoyska Zoobe in laga qabtay shaqo wanaagsan qaraxa kadib hadii ay noqon laheyd badbaadin, nadiifin, dadka in niyada loo dhiso iyo dayactir maanta lagu bilaabay wadada gaar haan goobtii uu Qaraxa ka dhacay, waxaana lagu bilaabay saarida laami cusub. Guddoomiye Thaabit ayaa Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen, iyo sida ay uga dhiidhyeen dadkii masaakiinta ahaa ee la laayay. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay u taagan yihiin waajibka saaran oo ay ka mid yihiin midnimada ummadda Soomaaliyeed, midnimada dhalinyarada iyo in meel looga soo wada jeesto Shabaab. Sidoo kale Thaabit ayaa sheegay in shaqada la xiriirta dib u dayactirka wadadan ay ku soo gaba gabeyn doonaan maalmo koooban, maadaama aad loo isticmaalo, isaga oo sidoo kale tilmaamay Isgoyska Zoobe wixii hada ka dambeeyana loogu yeeri doono 14-ka October, loona sameyn doono calaamado lagu soo xusuusto. Veronique Lorenzo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo iyadana halkaasi ka jeedisay hadal kooban ayaa sheegtay marka hore in halkan ay u timid in muragada ay la qeyb sato dadkii Soomaaliyeed ee lagu qarxiyayIsgoyska Zoobe. Waxay kaloo sheegtay in Midowga Yurub uu mudo badan soo garab taagnaa Soomaaliya hadana uu sii wadi doono, taas bedelkeeda waxay tilmaamtay Midowga Yurub in uu bixin doono qalab caafimaad, dawooyin iyo 100 kun oo EURO oo uu uga qeyb qadanayo gurmadka socda.
- Oct 19, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed ...
Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: Xiisada udhaxeysa DFS & Galmudug oo meel xun gaartay & Go’aan kale oo soo baxay
- Oct 19, 2017
Maamulka Galmudug ayaa soo saaray qoraal uu eedeyn kulu ugu jeeday dowladda federaalka Soomaaliya, ...
dhaawac Wararkii Ugu Dambeeyay ee dhaawacyadii la geeyay Sudan & Isbitaalkii la geeyay oo…
- Oct 19, 2017
Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dhaawacyadii ugu horeeyay ee Dowladda Qatar ka qaaday ...
taabit Guddoomiyaha G/Banaadir oo magac cusub u bixyay Isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho [Dhageyso]
- Oct 19, 2017
Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa qaatay go’aan uu magaca uga bedelayo Isgoyska KM ...
QARAX-5-640x360 Tirada Shaqaalaha DFS uga dhimatay & kuwa uga dhaawacmay Weerarkii Zoobe oo lasoo bandhigay
- Oct 18, 2017
Kulan ay isugu yimaadeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay tirada ...
DEG DEG: Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Geeriyoodey
- Oct 18, 2017
Allaha u naxariistee waxaa dalka India saakay oo Arbaco ah ku geeriyoodey xildhibaan Bootaan ...