Advertisements
Advertisements

Nuxurka Warbixinta Guddiga gaarka ah ee baarlamaanku u saareen dhiibista Qalbi Dhagax..

\

Guddiga Baarlaamaniga ah ee loo xilsaaray baarista kiiska Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax)  ayaa maantaa soo saaray natiijada baaritanka ay sameeyeen.

Warbixinta Guddiga ayaa ka kooban qodobo ay ugu muhiimsanyihiin:

Ka-baaraan-degidda qaraarka Golaha Wasiirada ee 6dii Sebtember ee ku saabsanaa arrinkan.

Qodobada Dastuuriga ah, Heshiisyada Caalamiga ah iyo Shuruucda dalka u dagsan ee ku saabsan dhiibista Qalbi Dhagax.

Kabaaraan-degidda iyo qiimaynta Qadiyadda.

Go’aamo, Toosin iyo Tala bixin

Gudigu waxa ay soo bandhigeen in ay waraysiyo kala duwan la yeesheen Masuuliyiinta sida dhaw xiriirka ula lahaa kiiskan.

Masuuliyiinta waraysiga ay la yeesheen waxaa ka mid ahaa:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Taariikhda 21 October 2017.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda 22kii October 2017.

Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taariikhda 22 October 2017

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taariikhda 23 October 2017

 

Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Madaxa Hay’adda Dembi-baarista Ciidanka Booliska Taariikh 23 October 2017.

 

Ka baaraandegidda iyo Qiimaynta Qadiyadda:

 

Gudiga ayaa warbixintooda ku soo bandhigay in arrintaan ay xirii la leedahay siyaasadda iyo amniga qaranka maadaama Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u-soo nooleynta Qarannimada Soomaaliya, dowladdana ay waajib ku tahay in ay mudnnaanta koowaad siiso Sugidda amniga qaranka iyada oo  guddigu hoosta ka xariiqeen siyaasadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan nabad ku wada noolaanshaha wadamada Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

 

Qalbi-Dhagax iyo Ururka ONLF

 

Guddigu waxa ay bayaamiyeen in dhiibsita Qalbi Dhagax aan hab sharci ah loo marin, lagana tala gelin Hay’daha Garsoorka, iyadoo isla markaas ay maareeysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugiida Qaranka oo kaliya, laguna saleeyey go’aan ku dhisan xog aan sugnayn oo hay’addu ay siisay Madaxda Qaranka.

 

Sidoo kale, Guddigu waxa ay sheegeen in Jabhadda ONLF loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso  balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad  midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Go’aamo, Toosin iyo Tala bixin.

Guddiga Baarlamaaniga ah ee loo xilsaaray baaritaanka waxa ay Xukuumadda fareen in ay dib u raac ku samayso Heshiisyadii hore ee dalka galay iyo in taxadar dheeraad ah ay muujiso markasta oo ay maareeynayso hawlaha xasaasiga ah iyada oo ku salaynaysa xog sugan oo waafaqsan farriimaha Dastuurka iyo Shuruucda dalka.

Ugu dambayntii Guddigu waxa ay ugu baaqeen Golaha Shacabka in laga fogaado arrin kasta oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed ama abuuri karta khal khal amni, loona baahanyahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo danta Qaranka.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: MD Xaaf oo xambaarsan Qorshe Cajiib ah oo socdaal ku maraya deegaanada Mudug & Galgaduud…
- Dec 15, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf,madaxweynaha maamulka Galmudug oo maalmihii u danbeeyay socdaal ku marayay deegaano ...
itoobiya DAAWO: Itoobiya oo si rasmi ah u shaacisay saamiga ay ku leedahay Dekadda Ber bera & Waqtiga uu fulayo…
- Dec 15, 2017
Wasiirka Dowladda Federaalka u Itoobiya u qaabilsan dhinaca Gaadiidka mudane Axmed shire ayaa ka ...
qarax DEG DEG:-Qarax Xoogan oo ka dhacay muqdisho iyo faahfaahin laga helayo ruuxa is qarxiyay
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...
xilibaa Xildhibaan kashifay Xaaladda Mooshinka Madaxweynaha “3 Maalin ka hor ayaan saxiixay, waana…”
- Dec 14, 2017
Mid ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga ...
Xaash Guddoomiyaha Aqalka Sare oo weerar kulul ku qaaday Shir uu qabanqaabinayo Guddoomiye Jawaari (AKhriso)
- Dec 14, 2017
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay, isla markaana dalbaday ...
3-4-2 DEG DEG+SAWIRRO: Golaha Shacabka oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowlada 2018…
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ...
muuse-Biixi-681x454 Madaxweyne Muuse Biixi oo la Dhaariyay & Khudbad Xasaasi ah uu jeediyay…
- Dec 13, 2017
Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Qudbad ka jeediyay Xaflad lagu ...
fiqiii DHAGEYSO: Xildhibaan Fiqi oo dhaliilay Hanaanka maamulka Madaxweyne Farmaajo
- Dec 13, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa dhaliilay Hanaanka  ...
news Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmaya Turkiga iyadoo Xiisada Qudus…
- Dec 13, 2017
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee ...
xilibaa Xildhibaanada BF oo cod u qaadaya Miisaaniyadda Dowladda 2018
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa ...
Muuse1-1132x670 Muuse Biixi oo la Caleema Saarayo yaase ka qeyb galaya…
- Dec 13, 2017
Munaasabadda dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ...