Advertisements
Advertisements

Muuse Biixi oo la Caleema Saarayo yaase ka qeyb galaya…

\

Munaasabadda dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ayaa maanta oo Arbaco ah ka qabsoomaysa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

 

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qayb galaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaysa wadamada Africa, Europe iyo dalalka carabta, waxaana Masuuliyiinta imaaneysa ka mid ah Safiiro, Xildhibaano iyo Wasiiro ka kala imaanaya wadamo dhawr ah.

 

Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynihii 5-aad ee ay Somaliland yeelato tan iyo 1991-kii markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga, waana madaxweynihii 3-aad ee si dimuqraadi ah dadweynuhu codkooda ugu soo doortaan.

 

 

Halka Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu noqonayo Madaxweyne ku xigeenkii 4-aad ee Somaliland kadib markii isaga mar labaad dib loo soo doortay.

 

Xafladda Caleemo saarka lagu qabanayo magalada Hargeysa ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee laba Madaxweyne oo la soo doortay laba xili oo ka soo wada jeeda Hal xisbi ay xilka la kala wareegaan.

 

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo bishii July 2010-kii xilka madaxtinimo ku wareejiyay madaxweyanaha haatan talada ka sii degaya Axmed Maxamed Silaanyo oo kaga guulaystay doorashadii 26-kii June 2010 ayaa ka mid ah masuuliyiinta ka qayb galaya munaasibadda dhaarinta madaxda cusub.

 

Ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo in musharaxiintii xisbiyada mucaaradka ee la tar tamay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici ay ka soo qayb galayaan xafladda caleemo saarka iyo in kale.

 

Dadweynaha Reer Somalialand ayaa aad ugu dheg taagaya xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, inkasta oo aan ilaa hadda wax macluumaad ah laga haynin xubnaha ku jira golaha wasiirada Cusub ee madaxweyne Biixi soo dhisi doono.

 

Mudada Xilka Madaxweynaha iyo M/weyne ku xigeenka cusub waa shan sanadood oo ka bilaabmaysa marka ay maanta si rasmi ah ula wareegaan loona dhaariyo xilka.

 

Caqabadaha hor yaala xukuumadda Cusub wax ka mid ah shacbi si wayn ugu kala qayb samay tartankii xisbiyadu ay ugu jireen loolanka madax tinimo, sicir barar saamayn wayn ku yeeshay nolosha dadka miyi iyo magaalo ba, abaaro ragaadiyay wax soo saarkii beeraha oo keentay in dad badani u baahan yihiin kaalmo kadib markii tacabkii beeruhu gabaabsi noqday iyo sidoo kale qabashada doorashada golaha wakiilada oo mudo dhaaftay.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

xukun Maxkamad Ku Taala Dalka Kenya Oo Sii Deysay Eedeysanayaal Soomaali ah…
- Jan 23, 2018
Afar Soomaali ah oo ku eedeysnaa in ay ka dambeeyeen Qarax ka dhacay Maqaaxi ...
som-624x312 Madaxweynaha Somaliland Oo Hanjabaad U Diray Puntland..
- Jan 23, 2018
Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ku hadlay ...
farmaa Madaxweyne Farmaajo oo Culimaa’udiinka Galmudug kala hadlay 2-Arrin oo muhiim ah…
- Jan 22, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C//llaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan degmada Cabudwaaq ee ...
dagaal Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalo ka dhacay Sool & Ku dhawaad 20-ruux oo Geeriyootay
- Jan 22, 2018
Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in dagaallo u abaabulan qaab beeleed ...
Hotelada-Muqdisho XOG: Hotelada Muqdisho oo Warqado loo qeybiyay & Ciidamada Nabad sugida oo Waji cusub lasoo baxay…
- Jan 22, 2018
warar gaar ah oo la soo gaarsiyay warbaahinta ayaa sheegeysa in Ciidamada Nabad sugida ...
geedi_ R/wasaarihii hore Cali Geedi oo War Xasaasi ah ku duray Farmaajo & Kheyre“Maqaamka Muqdisho waa Dastuuri”
- Jan 22, 2018
Kadib khilaaf soo kala dhexgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sababtay ...
Farmaajo-2-3-640x427 Farmaajo oo lagu wado inuu maanta tago Hobyo
- Jan 22, 2018
ida qorshaha uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa maanta oo ...
Farmaajo-3-3-640x427 Farmaajo “Guddi farsamo ayaan u sameyneynaa Caabud-waaq”
- Jan 22, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay Guddi farsamo oo ka kooban Odayaal ...
Turkey Ciidamada Turkiga oo gudaha u galay Waqooyiga Syria (SAWIRRO)
- Jan 22, 2018
Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Axadii gudaha u galay Waqooyiga Syria, ...
26850253_143739629631927_6743994123662582633_o-640x480 DAAWO SAWIRADA:-Xiisadii ka dhalatay G/Banaadir oo la soo afjaray (Wasiiro, Taliyeyaal & Guddoomiyaha cusub oo Gurigiisa kula kulmay Taabit)
- Jan 22, 2018
Waxaa caawa lasoo afjaray xiisadii ka dhalatay maamulka G/Banaadir iyo xil ka qaadistii guddoomiyihii ...
yarisow Wasiir C/raxmaan Yariisow oo soo ka hadlay Xilka cusub ee looga magacaabay Gobolka Banaadir…
- Jan 21, 2018
Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee xilka sii hayaoo hadda loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ...