Advertisements
Advertisements

Mareykanka oo 20 Sano kadib cunaqabateyntii ka qaaday Dalka Suudaan (Akhri Sababta)

\

Maraykanka ayaa cunaqabatayntii dhanka dhaqaalaha ka saarneyd waqti dheeraa ka qaaday dowladda Sudan.

Inkastoo dalkaan qaaradda Africa uu Maraykanka uu ku eedeeyay in uu taageero siiyo kooxaha argagaxisada ah, haddana 20 sano kadib cunaqabateyntii saarneyd waa laga qaaday.

Habeenimadii Jimcaha, sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa Wariyayaasha ugu sheegay Magaaladda Washington in Mareykanku go’aansaday in uu si rasmi ah u bur buriiyo cunaqabatayntii dhaqaale ee ku wajahneyd Sudan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale soo saartay hadal horudhac ah maalintaasi, iyada oo ka hadashay dadaalka Sudan ee ah in ay wax ka qabato arrimaha argagixisada iyo sidoo kale xad-gudubyada xuquuqda aadanaha oo sabab looga dhigayo go’aankaas.

Go’aanka lagu soo afjarayo tallaabooyinka ciqaabta ee lagu soo rogay Sudan sanadkii 1997 ayaa timid kaddib markii maamulka Trump ay bishii hore ka saareen liiska wadamada ay muwaadiniintu ku xiran yihiin xayiraadaha safarka.

Hase yeeshee, tallaabadaas ayaa ka dhigaysa cunaqabatayn kale, oo ay ku jiraan kuwa ka soo horjeeda dadka la xir xiray ee ku lug leh tacadiyada lagu gaystey colaadaha ka jirta Gobolka koonfurta Darfur ee dalka Sudaan.

Isagoo ka jawaabayo go’aanka Mareykanka Wasiirka Arrimaha dibadda Sudan ayaa waxa uu yiri “Xukuumadda Sudaan iyo dadka Reer Sudan waxa ay soo dhaweynayaan go’aankaan uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump cunaqabatayntii dhaqaalaha si buuxda uga qaaday Sudan.”

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Bakaaro Warar ku saabsan Ganacsiga Suuqa Bakaaraha
- Feb 21, 2018
Wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay sheegeen in saakay dib loo ...
Mareykan-640x360 Mareykanka oo war ka soo saaray in Askari looga dilay Soomaaliya
- Feb 21, 2018
Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxa ay beeniyeen in Askari Mareykan ah looga ...
ciidamada-puntland Puntland oo sheegtay in ay dishay Dagaalyahano Shabaab ah
- Feb 21, 2018
Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa Howlgal gaar ah 20-kii bishan waxa ay ka fuliyeen ...
Khayre-1 Khayre oo magacaabay Madaxa isku xirka Deeqaha
- Feb 21, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa ...
dil london Soomaali lagu dilay London
- Feb 21, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba wiil oo Soomaali ah oo xalay ...
galmudug Galmudug oo shaacisay waqtiga ay Shabaab ka saareyso degaanadeeda
- Feb 21, 2018
Maamulka Galmudug ayaa balan qaaday degaanadiisa qeybaha ay kaga harsan yihiin ururka Al-shabaab inuu ...
Duqeyn Duqaymo lagu dilay 250 qof oo Suuriya ka dhacay
- Feb 21, 2018
Tirada dhimashada ee duqaynta Suuriya ee magaalada Ghouta ayaa la sheegayaa inay gaartay 250 ...
Duqeyn Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacday Jubbaland
- Feb 20, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo saakay aroortii abaare 05:00 ...
Shabaa Shabaab oo sheegtay in ay dileen Askari Mareykan ah
- Feb 20, 2018
Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen Askari Mareykan ahaa, kadib ...
xukun Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday sarkaalkii ka danbeeyay dilkii Siciid Mariine.
- Feb 20, 2018
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa goordhow waxa ay xukun ku riday Sarkaalkii ...
Farmaajo-640x427 Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Nabadoon Axmed Diiriye
- Feb 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsidayeeyay Geeridii ku timid Allaha u ...