Advertisements
Advertisements

Maamulka Puntland oo go’aan cusub ka qaatay Shirka Kismaayo & C/Weli Gaas oo la filayo inuu…

\

Maamulka Puntland, ayaa waxa uu cadeeyay inay ka qaybgalayan shirka Magaalada Kismaayo, oo maalinta Axada lagu wado in uu ka furmo Magaalada Kismaayo.

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka qabsoomay Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa laga soo saaray War Murtiyeed lagu xaqiijinayo in Puntland taggi doonto shirka Kismaayo.

Puntland, ayaa War Murtiyeedka ku sheegtay “Golaha Xukuumadda Dawladda ayaa caddeeyay inay uga qaybgalayaan shirka lagu qabanayo Magaaladda Kislaamyo si mug leh oo dhamaystiran, maadaama uu yahay shir dastuuri ah oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta Dawladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Gollaha xukuumadda Dowladda Puntland ayaa caddeeyay in dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalku uu si faahfaahsan u qeexayo iskaashiga heerarka Federaalka, Sidaa awgeed dowladda Puntland ay si buuxda ugu qayb noqon-doonto shirka lagu qaban doono caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Golaha xukuumadda Dowladda Puntland ayaa sheegay ins hirarka iyo kullamada maamulada iyo dowladda federaalku uu ka mid yahay mid lagu xoojinayo hannaanka Federaala iyo midnimada dalka, sidaa darteed ay tahay wax loo baahan yahay inay kulmaan mar walba oo ay soo kordhaan xaalado u baahan wado-tashiyo dheeraad ah.

Go’aanka dowladda Puntland ku gaartay inay ka qaybgasho shirka Kismaayo ayaa ka duwan, hadal uu madaxweyne k/xigeenka Puntland C/xaakiim Xaaji Cumar Camay uu labo maalmod ka hor jeediyay, kaasi oo uu ku sheegay in aan Maslaxadi ugu jirin dadka Soomaaliyeed shirka Kismaayo. wuxuuna ku taliyay in maamul goboleedkii wax tabanayo uu xamar tago oo uu dowladda la hadlo.”

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: MD Xaaf oo xambaarsan Qorshe Cajiib ah oo socdaal ku maraya deegaanada Mudug & Galgaduud…
- Dec 15, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf,madaxweynaha maamulka Galmudug oo maalmihii u danbeeyay socdaal ku marayay deegaano ...
itoobiya DAAWO: Itoobiya oo si rasmi ah u shaacisay saamiga ay ku leedahay Dekadda Ber bera & Waqtiga uu fulayo…
- Dec 15, 2017
Wasiirka Dowladda Federaalka u Itoobiya u qaabilsan dhinaca Gaadiidka mudane Axmed shire ayaa ka ...
qarax DEG DEG:-Qarax Xoogan oo ka dhacay muqdisho iyo faahfaahin laga helayo ruuxa is qarxiyay
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...
xilibaa Xildhibaan kashifay Xaaladda Mooshinka Madaxweynaha “3 Maalin ka hor ayaan saxiixay, waana…”
- Dec 14, 2017
Mid ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga ...
Xaash Guddoomiyaha Aqalka Sare oo weerar kulul ku qaaday Shir uu qabanqaabinayo Guddoomiye Jawaari (AKhriso)
- Dec 14, 2017
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay, isla markaana dalbaday ...
3-4-2 DEG DEG+SAWIRRO: Golaha Shacabka oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowlada 2018…
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ...
muuse-Biixi-681x454 Madaxweyne Muuse Biixi oo la Dhaariyay & Khudbad Xasaasi ah uu jeediyay…
- Dec 13, 2017
Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Qudbad ka jeediyay Xaflad lagu ...
fiqiii DHAGEYSO: Xildhibaan Fiqi oo dhaliilay Hanaanka maamulka Madaxweyne Farmaajo
- Dec 13, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa dhaliilay Hanaanka  ...
news Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmaya Turkiga iyadoo Xiisada Qudus…
- Dec 13, 2017
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee ...
xilibaa Xildhibaanada BF oo cod u qaadaya Miisaaniyadda Dowladda 2018
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa ...
Muuse1-1132x670 Muuse Biixi oo la Caleema Saarayo yaase ka qeyb galaya…
- Dec 13, 2017
Munaasabadda dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ...