Advertisements
Advertisements

LIVE:- Arsenal, Liverpool, Chelsea iyo Kooxaha Kale Ee Mashquulka Ugu Badan Kujira Maalinta Ugu Dambeysa Suuqa Kala Iibsiga- Maxaa Hadda Socda?

\

Maalinta Ugu Danbeysa xagaagan suuqa kala iibsiga ciyaaartooyda ayaa lagu jiraa maanta oo khamiis ah, waxaa suuqa ku lug yeeelan doona dhamaan kooxaha waaweyn ee Preimier League ee Liverpool, Tottenham, Chelsea iyo Arsenal.

Mustaqbalka Alexis Sanchez, Alex Oxlade-Chamberlain, Philippe Coutinho, Virgil van Dijk, Diego Costa iyo xiddigo kale ayaa laga warsugaya 24ka saacadood ee soosocda.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa qarka u saaran inuu Liverpool ku biiro ka dib markii labada kooxood ay ku heshiiyeen £ 35m.

Oxlade-Chamberlain ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Liverpool, waxaana isbuucii uu ka qadan doonaa 120 kun, kadib markii uu iska diiday 180 kun oo uu ka qaadan lahaa Arsenal.

* BARCELONA OO QORSHAHA COUTINHO SUGEYSA WELI

Iyadoo maalintii ugu danbeysay suuqa UK lagu jiro, Barcelona waxay haysataa 24 saacadood oo dheeri ah si ay heshiis ula gasho Philippe Coutinho.

Inkastoo BBC-da ay sheegeyso in weli bartilmaameedka Barcelona u yahay Countiho, waxay caqabad kala kulmayaan Reds oo aan weli dhameystirin heshiiska Thomas Lemar.

* ARSENAL OO XAALADA SANCHEZ LAYAABAN

Arsenal oo durbadiiba xaqiijisay inay fasaxday Kieran Gibbs oo daafaca ka ciyaara ayaa xaaalad xun oo suuqa ah wajaheysa sacadaha soo aadan.

Oxlade-Chamberlain ayaa ku dhaw inuu u dhaqaaqayo Liverpool, halka Alexis Sanchez go,aan uu ku gaaray inuu ka tago kooxda.

Wargeyska The Guardian ayaa sheegaya in City ay diyaar u tahay dhamaadka xilli ciyaareedka soo aadan in ay iska sugto Sanchez, waqtigaas heshiiskiisa Arsenal dhacayo.

Sidoo kale waxaa lala xiriirinayaa Maalinta Ugu Danbeysa suuqa Arsenal in ay ka tagaan ciyaartooyda Joel Campbell iyo Jack Wilshere, halka Shkodran Mustafi uu ku biiri karo Inter Milan.

* LIVERPOOL OO WELI AAN KA QUUSAN LEMAR

Liverpool ayaa qarka u saaran inay heshiis la gaarto Oxlade-Chamberlain, lakiin sidookale weli kama rajo dhigin Thomas Lemar oo katirsan kooxda AS Monaco.

Liverpool Echo ayaa ku warameysa in kooxda caafimaadka ee Liverpool ay u duuleen Paris si ay u dhameystiraan caafimaadka ciyaaryahanka.

Liverpool ayaa dalab £ 75million ah miiska u saartay Lemar oo loo arko bedelka Philippe Coutinho oo ku biiri kara kooxda Barcelona.

Ugu dambeyntii, Divock Origi ayaa lagu wadaa inuu ugu dhaqaaqo Wolfsburg xilli ciyaareed amaah ah, halka Lazar Markovic iyo Mamadou Sakho aan weli la xaqiijin mustaqbalkooda.

* QIIMEYNTA CHELSEA SUUQA KALA IIBSIGA

Maalinta ugu danbeysa suuqa Chelsea ayaa noqon karta mid mashquul badan gasha, iyadoo wadahadaladu kula jirta Danny Drinkwater, Ross Barkley iyo Fernando Llorente.

Dhanka kale, Daily Mail ayaa sheegeysa in Blues ay ku dhowdahay inay sii heysato Diego Costa oo la waayay koox iibsata xagaagan.

* MACLUUMAADKA SUUQA EE TOTTENHAM

Xiddiga diirada u saaran tahay kooxda Tottenham Serge Aurier ayaa loo siiyay fasax inuu usoo duulo UK si uu u dhameystiro heshiiskiisa 23 milyan ah ee uu ugu biirayo Spurs, sida ay qortay Daily Mail.

Ciyaaryahanka oo bartilmaameed u ahaa kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa hadda qarka u saaran inuu u saxiixo heshiis shan sanno ah kooxda Mauricio Pochettino.

HESHIISYADA KALE EE SUURTA GALKA AH

– Manchester City ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato Jonny Evans , waxaana dhaqaaqi doona Eliaquim Mangala sida ay qortay Telegraph.

Sun ayaa sheeganeysa in West Ham ay dooneyso inay amaah ku qaadato Jack Wilshere hadii aysan helin saxiixa William Carvalho

– West Ham ayaa sidoo kale isha ku heysa xiddiga Barcelona Andre Gomes, iyadoo Spurs dagaal kala kulmeysa The Mirror.

Liverpool Echo ayaa sheegtay In Thomas Vermaelen uu ugu Biirayo kooxda Everton si Amaah ah, Ronald Koeman ayaa xiiso u qaba daafacaan boosaska badan ka ciyaara.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: MD Xaaf oo xambaarsan Qorshe Cajiib ah oo socdaal ku maraya deegaanada Mudug & Galgaduud…
- Dec 15, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf,madaxweynaha maamulka Galmudug oo maalmihii u danbeeyay socdaal ku marayay deegaano ...
itoobiya DAAWO: Itoobiya oo si rasmi ah u shaacisay saamiga ay ku leedahay Dekadda Ber bera & Waqtiga uu fulayo…
- Dec 15, 2017
Wasiirka Dowladda Federaalka u Itoobiya u qaabilsan dhinaca Gaadiidka mudane Axmed shire ayaa ka ...
qarax DEG DEG:-Qarax Xoogan oo ka dhacay muqdisho iyo faahfaahin laga helayo ruuxa is qarxiyay
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...
xilibaa Xildhibaan kashifay Xaaladda Mooshinka Madaxweynaha “3 Maalin ka hor ayaan saxiixay, waana…”
- Dec 14, 2017
Mid ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga ...
Xaash Guddoomiyaha Aqalka Sare oo weerar kulul ku qaaday Shir uu qabanqaabinayo Guddoomiye Jawaari (AKhriso)
- Dec 14, 2017
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay, isla markaana dalbaday ...
3-4-2 DEG DEG+SAWIRRO: Golaha Shacabka oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowlada 2018…
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ...
muuse-Biixi-681x454 Madaxweyne Muuse Biixi oo la Dhaariyay & Khudbad Xasaasi ah uu jeediyay…
- Dec 13, 2017
Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Qudbad ka jeediyay Xaflad lagu ...
fiqiii DHAGEYSO: Xildhibaan Fiqi oo dhaliilay Hanaanka maamulka Madaxweyne Farmaajo
- Dec 13, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa dhaliilay Hanaanka  ...
news Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmaya Turkiga iyadoo Xiisada Qudus…
- Dec 13, 2017
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee ...
xilibaa Xildhibaanada BF oo cod u qaadaya Miisaaniyadda Dowladda 2018
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa ...
Muuse1-1132x670 Muuse Biixi oo la Caleema Saarayo yaase ka qeyb galaya…
- Dec 13, 2017
Munaasabadda dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ...