Advertisements
Advertisements

Lionel Messi oo sedexley dhaliyay cayaar Barcelona si xarago badan ku dhaaftay Espanyol

\

Kulankii Catalan Derby ee la islahaa cayaar ayaa kasoo bixi doonto waxay isku badashay mid Barcelona 100% ku gacan sareesay.

Lionel Messi ayaa sedexleey dhaliyay kulan Barcelona 5-0 ku xaaqday kooxda ay dariska yihiin Espanyol.

Barcelona hada waxay wadataa guulaheeda 100% madaama sedex cayaar La Ligaha Spain ay guuleesatay sidaasna ay hogaanka ku heyso waxaana intaas ooga sii wanaagsan inay farqi 4-dhibcood dheer yihiin Real Madrid xili cayaareedka oo bilaw ah.

Saxiixa cusub Barcelona Ousmane Dembele ayaa kulankaan gool caawinaad ka geestay asigoo badal kusoo galay qaybta labaad ee cayaarta.

Messi ayaa cayaarta 1-0 ka dhigay daqiiqadii 26-aad waxaana caawinaad ka geestay Ivan Rakitic, sidoo kale Leo ayaa 2-0 ka dhigay daqiiqadii 35-aad kubad uu caawinaad ka geeestay Jordi Alba.

Messi habeen qaas u ah ayay u ahayd wuxuuna sedexley dhaliyay daqiiqadii 67-aad markalena kubada waxaa caawinaad ka geestay Jordi Alba.

Labada saxiix ee Barcelona ku cusub Ousmane Dembele iyo Paulinho ayaa kulankaan badal kusoo galeen qaybta labaad ee cayaarta waxayna muujiyeen bandhig wacan iyo inay diyaar u yihiin caawinta kooxdooda cusub.

Kooxda Espanyol oo aan waxba loo reebanin waxaa shabqooda soo taabtay Gerard Pique daqiiqadii 87-aad asigoo cayaarta ka dhigay 4-0 sidoo kalena Rakitic ayaa caawinaad ka geestay kubada.

Ousmane Dembele ayaa caawintiisa kowaad loo diiwaan galiyay madaama uu saaxiibkiisa cusub Luis Suarez siiyay goolka 5-aad ee cayaarta.

Garoonka Camp Nou oo ay usoo daawasho tageen 72,875 taageero ah ayaa ku raaxeesteen bandhiga quruxda badan ee xidigaha Barcelona muujiyeen.

Barcelona ayaa guusha ku qaadatay 5-0 sidoo kalena Espanyol dhulka ayaa lagu jiiday wuxuuna tababare Ernesto Valverde ku farxay bandhiga cajiibka badan ee xidigahiisa muujiyeen kulankaan Barca siweyn ugu awood sareesay.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: MD Xaaf oo xambaarsan Qorshe Cajiib ah oo socdaal ku maraya deegaanada Mudug & Galgaduud…
- Dec 15, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf,madaxweynaha maamulka Galmudug oo maalmihii u danbeeyay socdaal ku marayay deegaano ...
itoobiya DAAWO: Itoobiya oo si rasmi ah u shaacisay saamiga ay ku leedahay Dekadda Ber bera & Waqtiga uu fulayo…
- Dec 15, 2017
Wasiirka Dowladda Federaalka u Itoobiya u qaabilsan dhinaca Gaadiidka mudane Axmed shire ayaa ka ...
qarax DEG DEG:-Qarax Xoogan oo ka dhacay muqdisho iyo faahfaahin laga helayo ruuxa is qarxiyay
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...
xilibaa Xildhibaan kashifay Xaaladda Mooshinka Madaxweynaha “3 Maalin ka hor ayaan saxiixay, waana…”
- Dec 14, 2017
Mid ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga ...
Xaash Guddoomiyaha Aqalka Sare oo weerar kulul ku qaaday Shir uu qabanqaabinayo Guddoomiye Jawaari (AKhriso)
- Dec 14, 2017
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay, isla markaana dalbaday ...
3-4-2 DEG DEG+SAWIRRO: Golaha Shacabka oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowlada 2018…
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ...
muuse-Biixi-681x454 Madaxweyne Muuse Biixi oo la Dhaariyay & Khudbad Xasaasi ah uu jeediyay…
- Dec 13, 2017
Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Qudbad ka jeediyay Xaflad lagu ...
fiqiii DHAGEYSO: Xildhibaan Fiqi oo dhaliilay Hanaanka maamulka Madaxweyne Farmaajo
- Dec 13, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa dhaliilay Hanaanka  ...
news Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmaya Turkiga iyadoo Xiisada Qudus…
- Dec 13, 2017
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee ...
xilibaa Xildhibaanada BF oo cod u qaadaya Miisaaniyadda Dowladda 2018
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa ...
Muuse1-1132x670 Muuse Biixi oo la Caleema Saarayo yaase ka qeyb galaya…
- Dec 13, 2017
Munaasabadda dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ...