Advertisements
Advertisements

HORDHACA: Man City vs Everton- Gylfi Sigurdsson Oo Usafan Kara Toffees Iyo City Oo Ciyaartooy Muhiim Ah Ka Maqan Yihiin

\

Saxiixa cusub ee Everton Gylfi Sigurdsson ayaa la rajeynayaa inuu kulankiisii ugu horeyay safto marka Toffees u safreyso caawa kooxda Manchester City.

Gylfi Sigurdsson ayaa ka yimid kooxda Swansea City Arbacadii, laakiin wuxuu dareensan yahay inuu ciyaari karo 45 daqiiqo kamid ah ciyaaarta caawa.

Tababare Ronald Koeman ayaa sheegay inuu ku lug yeelan doono xiddigiisa cusub ee Gylfi Sigurdsson kulanka caawa ay usafrayaan kooxda Manchester City.

“Everton waa koox weyn, waxayna soo iibsadeen ciyaartoy fiican, Waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican horyaalka, waan hubaa taas “ayuu Guardiola u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan rajeynayaa inay sideena oo kale u ciyaari doonaan xilli ciyaareedkaan,” ayuu Guardiola yiri. “Waxay leeyihiin difaac adag, waxay heystaan ciyaartoy fiican oo natiijada go,aamin kara.

Ogeysiiska ciyaarta

Saacada: 10:00 PM

Garoonka: Etihad Stadium

Gylfi Sigurdsson has become Everton's record signing

MAXAA CUSUB?

City ayaa weli waxaa ka maqan saxiixa cusub ee Benjamin Mendy iyo khadka dhexe Ilkay Gundogan kulanka ay soo dhaweynayaan caawa kooxda Everton.

Daafaca bidix ee Mendy iyo khadka dhaxe ee Gundogan ayaa labadoodaba ku soo laabtay tababarka, laakiin diyaar uma ahan kulanka caawa.

Kooxda Guardiola ayaan qabin dhaawacyo cusub, marka laga soo tago Fabian Delph oo dhaawac ku maqan kulanka caawa.

Dhanka kale, Ross Barkley oo la sheegay inuu ka dhaawacmay muruqa iyo James McCarthy oo ka xanuunsan jilib ayaa wali ka maqan Everton, laakiin Sandro Ramirez ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto safka koowaad ka dib markii uu seegay kulankii ugu dambeeyay kooxdiisa.

XAQIIQADA KULANKAAN

City ayaa laga badiyay kulankii ugu dambeeyey ee Premier League oo ay la ciyaartay Everton markaasoo lagu qaarajiyay 4-0.

Guuldaradaas ayaa aheyd midii ugu xumeyd ee soo gaarta koox macalin uu u yaahay Guardiola xirfadiisa oo dhan.

City ayaan laga badinin lixdii kulan ee Premier League ugu dambeeyay oo ay garoonkooda kula ciyaareen Everton, iyagoo badiyay seddex, halka sadexda kalana barbaro ay galeen.

Kooxda Guardiola ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 22-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaareen garoonkooda Premier League, guuldarada kaliya ayaa kasoo gaartay kooxda Chelsea bishii December 2016.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Manchester City: Ederson; Walker, Kompany, Stones, Danilo; Fernandinho; D.Silva, B.Silva, De Bruyne, Sane; Jesus

Everton: Pickford; Keane, Williams, Jagielka; Calvert-Lewin, Klaassen, Gueye, Schneiderlin, Baines; Ramirez, Rooney

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Zoobe-1-1-1 DAAWO SAWIRADDA: Maxaadan ogeyn oo hada ka socda Isgoyka Soobe ee Magaalada Muqdisho?
- Oct 21, 2017
Waxaa dib u soo laabtay dhaqdhaqaaqa isu socodka dadka iyo gaadiidka Isgoyska Zoobe ee ...
help-7 Sawirro Cajiib ah – Nin laf-dhabartu wiiqmatay oo lagu guuleystay in dib loogu toosiyo.
- Oct 21, 2017
Kadib kasoo saarista xidid geed, Mun wuxuu muddo saddex bilood ah ku jiray xanuun ...
Siilaanyo-iyo-1132x670 DAAWO SAWIRADA:-iilaanyo iyo Cali Khaliif oo ku heshiiyey in Khaatumo lagu daro Somaliland
- Oct 21, 2017
Madaxweynayaasha  Somaliland iyo Khaatumo State Axmed Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galeyr ayaa kala saxiixday ...
madaxweyne-farmaajo--620x330 AKHRISO: Qoraal degdeg oo Madaxweyne Farmaajo u diray Guddoonka Labada Aqal ee BF
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal u kala diray guddoonada labada aqal ee ...
deg deg DHAGEYSO: Guddoomiye C/xaashi oo si kulul uga hadlay khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada
- Oct 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee ...
Zoobe-1-1 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo xubno kale ayaa maanta booqday Isgoyska Zoobe oo Sabtidii uu ka dhacay Qarax lagu dhammaaday, halkaasi oo ay kula hadleen warbaahinta. Thaabit Cabdi Maxamed ayaa marka hore Veronique Lorenzo uga mahadceliyay booqashada ay ku timid Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen 14-kii October boqolaal dad ah. Wuxuu sheegay Isgoyska Zoobe in laga qabtay shaqo wanaagsan qaraxa kadib hadii ay noqon laheyd badbaadin, nadiifin, dadka in niyada loo dhiso iyo dayactir maanta lagu bilaabay wadada gaar haan goobtii uu Qaraxa ka dhacay, waxaana lagu bilaabay saarida laami cusub. Guddoomiye Thaabit ayaa Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen, iyo sida ay uga dhiidhyeen dadkii masaakiinta ahaa ee la laayay. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay u taagan yihiin waajibka saaran oo ay ka mid yihiin midnimada ummadda Soomaaliyeed, midnimada dhalinyarada iyo in meel looga soo wada jeesto Shabaab. Sidoo kale Thaabit ayaa sheegay in shaqada la xiriirta dib u dayactirka wadadan ay ku soo gaba gabeyn doonaan maalmo koooban, maadaama aad loo isticmaalo, isaga oo sidoo kale tilmaamay Isgoyska Zoobe wixii hada ka dambeeyana loogu yeeri doono 14-ka October, loona sameyn doono calaamado lagu soo xusuusto. Veronique Lorenzo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo iyadana halkaasi ka jeedisay hadal kooban ayaa sheegtay marka hore in halkan ay u timid in muragada ay la qeyb sato dadkii Soomaaliyeed ee lagu qarxiyayIsgoyska Zoobe. Waxay kaloo sheegtay in Midowga Yurub uu mudo badan soo garab taagnaa Soomaaliya hadana uu sii wadi doono, taas bedelkeeda waxay tilmaamtay Midowga Yurub in uu bixin doono qalab caafimaad, dawooyin iyo 100 kun oo EURO oo uu uga qeyb qadanayo gurmadka socda.
- Oct 19, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed ...
Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: Xiisada udhaxeysa DFS & Galmudug oo meel xun gaartay & Go’aan kale oo soo baxay
- Oct 19, 2017
Maamulka Galmudug ayaa soo saaray qoraal uu eedeyn kulu ugu jeeday dowladda federaalka Soomaaliya, ...
dhaawac Wararkii Ugu Dambeeyay ee dhaawacyadii la geeyay Sudan & Isbitaalkii la geeyay oo…
- Oct 19, 2017
Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dhaawacyadii ugu horeeyay ee Dowladda Qatar ka qaaday ...
taabit Guddoomiyaha G/Banaadir oo magac cusub u bixyay Isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho [Dhageyso]
- Oct 19, 2017
Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa qaatay go’aan uu magaca uga bedelayo Isgoyska KM ...
QARAX-5-640x360 Tirada Shaqaalaha DFS uga dhimatay & kuwa uga dhaawacmay Weerarkii Zoobe oo lasoo bandhigay
- Oct 18, 2017
Kulan ay isugu yimaadeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay tirada ...
DEG DEG: Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Geeriyoodey
- Oct 18, 2017
Allaha u naxariistee waxaa dalka India saakay oo Arbaco ah ku geeriyoodey xildhibaan Bootaan ...