Advertisements
Advertisements

HORDHACA Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Arsenal v Stoke City. Alexis Sanchez Oo Markale Seegaya Gunners

\

Jese Rodriguez ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ugu horeeyay kooxda Stoke ciyaaro marka ay Premier League caawa la ciyaarayaan kooxda Arsenal.

Weeraryahankii hore ee Real Madrid ayaa Isbuucaan heshiis amaah ah uga soo biiray kooxda Stock, waxaana uu diyaar u yahay inuu safto kulankiisii ugu horeeyay.

Tababare Mark Hughes ayaa cadeeyay inuu doonayo inuu dhamaan u isticmaalo kulankaan saxiixyada ku cusub kooxdiisa xagaagan.

“Waxaan rajeyneynaa inaan ku soo darno dhamaan ciyaartoyda aan keennay kulankaan, inkastoo qaar ka mid ah kursiga keydka kusoo bilaaban doonaan” ayuu yiri tababaraha Stoke.

Bruno Martins Indi, Darren Fletcher, Eric Maxim Choupo-Moting, Josh Tymon iyo Kurt Zouma ayaa dhamaantood qeyb ka noqon doona kulankaan.

OGEYSIISKA CIYAARTA

Saacada: 7:30 PM

Garoonka: Bet365 Stadium 

MAXAA CUSUB?

Daafaca kooxda Arsenal Laurent Koscielny ayaa seegi doona kulankaan maadaama uu gudanayo ganaax seddex kulan ah.

Shkodran Mustafi, Per Mertesacker iyo Francis Coquelin ayaa dhamaantood diyaar u ah ciyaartaan ka dib markii ay seegeen kulankii Arsenal 4-3 kaga badisay Leicester Jimcihii lasoo dhaafay.

Weeraryahanka Stoke Julien Ngoy ayaa garoomada ka maqnaanaya ilaa lix isbuuc ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray muruqa.

Ibrahim Afellay  iyo Stephen Ireland ayaa sii wadan doona dhaawacyada mudadda dheer ay kaga maqan yihiin kooxda Stock City.

XAQIIQADA KULANKAAN

Stoke ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 7dii ciyaar ee ugu dambeysay oo ay garoonkooda kula ciyaaraan Gunners,

Guuldarrada kaliya ayaa timid bishii May ee sannadkaan, markaasoo looga badiyay 4-1.

Laakiin Arsenal ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay kaga horyimaadaan kooxda Stoke City.

Alexandre Lacazette ayaa laga yaabaa inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay Arsenal ee gool dhaliya labadiisa kulan ee furitaanka horyaalka Premier League, hadii uu gool ka dhaliyo Stock caawa.

Hughes ayaa laga badiyay kulamo badan oo Premier League ah marka uu ka horyimid Wenger intii uu macalin ka ahaa tartanka Premier League, waana 13 kulan.

Arsenal ayaa raadin doonta inay badiso labada kulan ee furitaanka horyaalka Premier League markii ugu horeysay tan iyo 2009-10.

Olivier Giroud oo goolka guusha ka dhaliyay Leicester kulankii furitaanka, waxa uu ahaa goolkiisii 99aad ee Arsenal – waxa uu doonayaa inuu noqdo ciyaaryahankii 19aad ee goolasha ugu badan u dhaliya Gunners.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Stoke City: Butland; Zouma, Shawcross, Cameron; Johnson, Allen, Fletcher, Pieters; Shaqiri, Jese, Choupo-Moting

Arsenal: Cech; Mustafi, Mertesacker, Kolasinac; Bellerin, Xhaka, Ramsey, Oxlade-Chamberlain; Welbeck, Ozil; Lacazette.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Zoobe-1-1-1 DAAWO SAWIRADDA: Maxaadan ogeyn oo hada ka socda Isgoyka Soobe ee Magaalada Muqdisho?
- Oct 21, 2017
Waxaa dib u soo laabtay dhaqdhaqaaqa isu socodka dadka iyo gaadiidka Isgoyska Zoobe ee ...
help-7 Sawirro Cajiib ah – Nin laf-dhabartu wiiqmatay oo lagu guuleystay in dib loogu toosiyo.
- Oct 21, 2017
Kadib kasoo saarista xidid geed, Mun wuxuu muddo saddex bilood ah ku jiray xanuun ...
Siilaanyo-iyo-1132x670 DAAWO SAWIRADA:-iilaanyo iyo Cali Khaliif oo ku heshiiyey in Khaatumo lagu daro Somaliland
- Oct 21, 2017
Madaxweynayaasha  Somaliland iyo Khaatumo State Axmed Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galeyr ayaa kala saxiixday ...
madaxweyne-farmaajo--620x330 AKHRISO: Qoraal degdeg oo Madaxweyne Farmaajo u diray Guddoonka Labada Aqal ee BF
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal u kala diray guddoonada labada aqal ee ...
deg deg DHAGEYSO: Guddoomiye C/xaashi oo si kulul uga hadlay khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada
- Oct 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee ...
Zoobe-1-1 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo xubno kale ayaa maanta booqday Isgoyska Zoobe oo Sabtidii uu ka dhacay Qarax lagu dhammaaday, halkaasi oo ay kula hadleen warbaahinta. Thaabit Cabdi Maxamed ayaa marka hore Veronique Lorenzo uga mahadceliyay booqashada ay ku timid Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen 14-kii October boqolaal dad ah. Wuxuu sheegay Isgoyska Zoobe in laga qabtay shaqo wanaagsan qaraxa kadib hadii ay noqon laheyd badbaadin, nadiifin, dadka in niyada loo dhiso iyo dayactir maanta lagu bilaabay wadada gaar haan goobtii uu Qaraxa ka dhacay, waxaana lagu bilaabay saarida laami cusub. Guddoomiye Thaabit ayaa Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen, iyo sida ay uga dhiidhyeen dadkii masaakiinta ahaa ee la laayay. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay u taagan yihiin waajibka saaran oo ay ka mid yihiin midnimada ummadda Soomaaliyeed, midnimada dhalinyarada iyo in meel looga soo wada jeesto Shabaab. Sidoo kale Thaabit ayaa sheegay in shaqada la xiriirta dib u dayactirka wadadan ay ku soo gaba gabeyn doonaan maalmo koooban, maadaama aad loo isticmaalo, isaga oo sidoo kale tilmaamay Isgoyska Zoobe wixii hada ka dambeeyana loogu yeeri doono 14-ka October, loona sameyn doono calaamado lagu soo xusuusto. Veronique Lorenzo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo iyadana halkaasi ka jeedisay hadal kooban ayaa sheegtay marka hore in halkan ay u timid in muragada ay la qeyb sato dadkii Soomaaliyeed ee lagu qarxiyayIsgoyska Zoobe. Waxay kaloo sheegtay in Midowga Yurub uu mudo badan soo garab taagnaa Soomaaliya hadana uu sii wadi doono, taas bedelkeeda waxay tilmaamtay Midowga Yurub in uu bixin doono qalab caafimaad, dawooyin iyo 100 kun oo EURO oo uu uga qeyb qadanayo gurmadka socda.
- Oct 19, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed ...
Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: Xiisada udhaxeysa DFS & Galmudug oo meel xun gaartay & Go’aan kale oo soo baxay
- Oct 19, 2017
Maamulka Galmudug ayaa soo saaray qoraal uu eedeyn kulu ugu jeeday dowladda federaalka Soomaaliya, ...
dhaawac Wararkii Ugu Dambeeyay ee dhaawacyadii la geeyay Sudan & Isbitaalkii la geeyay oo…
- Oct 19, 2017
Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dhaawacyadii ugu horeeyay ee Dowladda Qatar ka qaaday ...
taabit Guddoomiyaha G/Banaadir oo magac cusub u bixyay Isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho [Dhageyso]
- Oct 19, 2017
Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa qaatay go’aan uu magaca uga bedelayo Isgoyska KM ...
QARAX-5-640x360 Tirada Shaqaalaha DFS uga dhimatay & kuwa uga dhaawacmay Weerarkii Zoobe oo lasoo bandhigay
- Oct 18, 2017
Kulan ay isugu yimaadeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay tirada ...
DEG DEG: Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Geeriyoodey
- Oct 18, 2017
Allaha u naxariistee waxaa dalka India saakay oo Arbaco ah ku geeriyoodey xildhibaan Bootaan ...