Advertisements
Advertisements

Heshiiska Zlatan u saxiixay Man United afar ayay dan ugu jirtaa afarna dan uguma jirto!

\

Zlatan Ibrahomvic wuxuu doortay inuu heshiis 12-bilood cusub u saxiixokooxda Man United taasi oo ugu dambeyntii mustaqbalkiisa cayaareed meel u riday.

Hadaba Big Zlatan go’aan uu ku gaaray inuu kooxdiisa xagaagii dhawaa iska fasaxday qandaraaska u cusbooneysiiyo afar guul iyo afra guul daro ayay sababi doontaa:

Guuleeste: Jose Mourinho

Marar badan ayuu Jose ku cel celiyay in Big Zlatan United lasoo joogi doono hadana wuxuu ka guul gaaray sidii uu Sweden garoonka Old Trafford ugu celin lahaa, waana hubaal in Zlatan United siweyn u caawin doono marka uu garoomada dib ugu soo laabto.

Guul dareeste: Pep Guardiola

Guardiola iyo kooxdiisa Man City naadiga loolanka EPL halista weyn kala kulmi karaan waa Man United sidaa darteed in Jose uu ceshtay Zlatan, waxay guul daro ku tahay Guardiola madaama xidigaan United awoodeeda loolanka EPL sare usii qaadi doono xiliga loo baahan yahay qaybaha dambe horyaalka.

Guuleeste: Romelu Lukaku

Labo arin ayuu Lukaku ku guuleestay, midi waxay tahay culeeska ahaa in kaligiis uu yahay weeraryahanka Old Trafford ku sugan wuu ka dagaa waxaana culeeskaan la qeebsan doono Zlatan.

Mida labaad Lukaku wuxu ka faa’iidi doonaa joogitaanka Zlatan inuu waaya aragnimo dheeraad ah ka helo la shaqeyntiisa madaama 24-jir yahay.

Guul dareeste: Marcus Rashford

Hadii Lukaku ay guul ugu jirto joogitaanka Zlatan waxay sidoo kale qasaaro ugu jirtaa wiilka madaxa soo qaadayao Rashford, xili cayaareedkii hore Rashford fursad badan uu ku cayaaro ma helin Zlatan awgiis hadana hadii Sweden-ka kooxda lasi joogayo doorka Rashford sida hore inuu noqdo ayaa laga cabsi qabaa.

Guuleeste: Paul Pogba

Pogba xili cayaareedkii hore is fahan heer sare ah ayuu la sameestay Zlatan hadana joogitaanka Big Zlatan xidigaan dan weyn ayaa ugu jirto madaama ay si wacan isku fahmaan marka ay garoonka ku wada jiraan.

Guul dareeste: AC Milan

Maamulka Milan waxay ka gaabiyeen soo qaashada Zlatan oo ay si bilaash ah ku heli lahaayeen sidoo kalena waaya aragnimadiisa uu qaybaha dambe xili cayaareedkan ku caawin lahaa, sidaa darteed Milan guul daro ayay u tahay in xidigaan uu doortay sii joogitaanka garoonka Old Trafford.

Guuleeste: Premier League

Madaama Zlatan uu yahay shaqsi caan ah ganacsiga kubada cagtana awood ku leh markale EPL ayaa ka faa’iideesan doonaan wajiga Zlatan dhanka suuq geynta.

Guul dareeste: The MSL

Horyaalka waqooyiga Ameerika laga cayaaro qasaaro ayay u tahay in Zlatan EPL sii joogi waxaana ka baaqdeen shirkado badan oo ay xayeysiimo la gali lahaayeen madaama xidiga Sweden uu kubada cagta ku leeyahay magac weyn dhanka suuqana uu aad ugu sareeyo sida daqli looga abuuro.

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Xaaf-1-2-681x477 AKHRISO: MD Xaaf oo xambaarsan Qorshe Cajiib ah oo socdaal ku maraya deegaanada Mudug & Galgaduud…
- Dec 15, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf,madaxweynaha maamulka Galmudug oo maalmihii u danbeeyay socdaal ku marayay deegaano ...
itoobiya DAAWO: Itoobiya oo si rasmi ah u shaacisay saamiga ay ku leedahay Dekadda Ber bera & Waqtiga uu fulayo…
- Dec 15, 2017
Wasiirka Dowladda Federaalka u Itoobiya u qaabilsan dhinaca Gaadiidka mudane Axmed shire ayaa ka ...
qarax DEG DEG:-Qarax Xoogan oo ka dhacay muqdisho iyo faahfaahin laga helayo ruuxa is qarxiyay
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...
xilibaa Xildhibaan kashifay Xaaladda Mooshinka Madaxweynaha “3 Maalin ka hor ayaan saxiixay, waana…”
- Dec 14, 2017
Mid ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga ...
Xaash Guddoomiyaha Aqalka Sare oo weerar kulul ku qaaday Shir uu qabanqaabinayo Guddoomiye Jawaari (AKhriso)
- Dec 14, 2017
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay, isla markaana dalbaday ...
3-4-2 DEG DEG+SAWIRRO: Golaha Shacabka oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowlada 2018…
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ...
muuse-Biixi-681x454 Madaxweyne Muuse Biixi oo la Dhaariyay & Khudbad Xasaasi ah uu jeediyay…
- Dec 13, 2017
Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Qudbad ka jeediyay Xaflad lagu ...
fiqiii DHAGEYSO: Xildhibaan Fiqi oo dhaliilay Hanaanka maamulka Madaxweyne Farmaajo
- Dec 13, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa dhaliilay Hanaanka  ...
news Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmaya Turkiga iyadoo Xiisada Qudus…
- Dec 13, 2017
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee ...
xilibaa Xildhibaanada BF oo cod u qaadaya Miisaaniyadda Dowladda 2018
- Dec 13, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa ...
Muuse1-1132x670 Muuse Biixi oo la Caleema Saarayo yaase ka qeyb galaya…
- Dec 13, 2017
Munaasabadda dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ...