Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA:-Xiisadii ka dhalatay G/Banaadir oo la soo afjaray (Wasiiro, Taliyeyaal & Guddoomiyaha cusub oo Gurigiisa kula kulmay Taabit)

\

Waxaa caawa lasoo afjaray xiisadii ka dhalatay maamulka G/Banaadir iyo xil ka qaadistii guddoomiyihii G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Xubno isugu jira, wasiiro, taliyeyaal iyo guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir ayaa Gurigiisa ku booqday Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed, waxaan kulankaasi lagu soo afjaray xiisadii siyaasadeed ee maalmahan ka taagneyd magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha cusub ee magacaaban iyo guddoomiyihii hore ayaa isla gartay in xil wareejina ay u dhacdo si habsami ah, iyadoo guddoomiye Taabit uu dib ugu laabanayo xarunta Gobolka oo laga qaadayo ciidamada la dhigay si loo qabanqaabiyo xafladda xil wareejinta.

 

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in la iska iloobo wixii xurguf ahaa ee ka dhalatay xiisadii jirtay maalmihii ugu danbeeyay, iyadoo jawi afgarad iyo wadashaqeyn lagu balamay, waxaana arrintan hoggaaminayey Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Xubnaha waxaa ka mida ahaa wasiirka Boostada, wasiir ku xigeenka Dekadaha, xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida.

 

Laso Xariir Baledweyne@hotmail.com Ama Baledweyne1@gmail.com

WARARKA KALE

Bakaaro Warar ku saabsan Ganacsiga Suuqa Bakaaraha
- Feb 21, 2018
Wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay sheegeen in saakay dib loo ...
Mareykan-640x360 Mareykanka oo war ka soo saaray in Askari looga dilay Soomaaliya
- Feb 21, 2018
Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxa ay beeniyeen in Askari Mareykan ah looga ...
ciidamada-puntland Puntland oo sheegtay in ay dishay Dagaalyahano Shabaab ah
- Feb 21, 2018
Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa Howlgal gaar ah 20-kii bishan waxa ay ka fuliyeen ...
Khayre-1 Khayre oo magacaabay Madaxa isku xirka Deeqaha
- Feb 21, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa ...
dil london Soomaali lagu dilay London
- Feb 21, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba wiil oo Soomaali ah oo xalay ...
galmudug Galmudug oo shaacisay waqtiga ay Shabaab ka saareyso degaanadeeda
- Feb 21, 2018
Maamulka Galmudug ayaa balan qaaday degaanadiisa qeybaha ay kaga harsan yihiin ururka Al-shabaab inuu ...
Duqeyn Duqaymo lagu dilay 250 qof oo Suuriya ka dhacay
- Feb 21, 2018
Tirada dhimashada ee duqaynta Suuriya ee magaalada Ghouta ayaa la sheegayaa inay gaartay 250 ...
Duqeyn Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacday Jubbaland
- Feb 20, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo saakay aroortii abaare 05:00 ...
Shabaa Shabaab oo sheegtay in ay dileen Askari Mareykan ah
- Feb 20, 2018
Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen Askari Mareykan ahaa, kadib ...
xukun Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday sarkaalkii ka danbeeyay dilkii Siciid Mariine.
- Feb 20, 2018
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa goordhow waxa ay xukun ku riday Sarkaalkii ...
Farmaajo-640x427 Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Nabadoon Axmed Diiriye
- Feb 20, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsidayeeyay Geeridii ku timid Allaha u ...